Mudada uu Santi Cazorla Garoomada ka maqnaanayo oo la shaaciyay

Santi CazorlaWar qoraal ah oo kasoo baxay Kooxda Arsenal ayaa lagu xaqiijisay in laacibkeeda khadka dhexe ee Santi Cazorla uu mari doono qalliin dhanka Canqowga ah, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono ku dhowaad muddo saddex bilood.

Santi ayaan u ciyaarin kooxdiisa Gunners tan iyo markii uu dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray kulankii Champions League oo ay 6-0 uga adkaadeen Ludogorets Razgrad 19-ka bishii October.

Qoraal ka soo baxay kooxda Arsenal oo lagu daabacay website-ka kooxda ayaa lagu sheegay in Santi Cazorla uu u safri doono dalka Sweden horraanta usbuuca soo socda, si uu halkaas ugu maro qalliin dhanka canqowga midig ah.

Cazorla ayaa xilli ciyaareedkii hore shan bilood la maqnaa dhaawacyo soo gaaray, waxaana waaxda caafimaad kooxda Gunners ay sheegeen in lagama maar maan ay tahay in xiddigan qalliin looga sameeyo canqowga lugta midig.

Kaddib markii uu Cazorla Arsenal ka soo caawiyay in ay soo wada guulaysto 7 kulan oo xiriir ah ayay 9-kii kulan ee uu ka maqnaa afar kulan barbaro gashay, hal kulan ayay guuldaraystay, iyadoo afar kulanna guulaysatay.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here