Mudaaharaadyada Masar Oo sii Xoogeeysanaya

Boqolaal qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha Taxriir, dadkan ayaa dalbanayay inuu xilka isaga dago madaxweynaha wadankaas Maxamed Morsi.

Dadkan isku soo baxay oo xusayay laba sano guuradii kasoo wareegtay markii tallada laga tuuray madaxweynihii hore ee wadankaas Maxamed Xusni Mubaarak, ayaa ku dhawaaqayay ereyo kadhan ah Madaxweyne Morsi iyo ururkiisa Ikhwaanu muslimiinka iyagoo adeegsanaya Sameecadaha codka baahiya, sidoo kale dadkaan ayaa qaadayay heeso ka tarjumaya Kacaanka.

Dibad baxyadaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalinkii labaad dibad baxayaal ku sugan fagaaraha Taxriir ay xireen wadooyinka waaweyn halkaas, waxayna dalbanayaan in doowlada ay ooda kasoo qaado maxaabiis loo xir xiray isku dhacyadii ugu danbeeyay ee dhexmaray Ciidanka amaanka iyo mudaaharaadayaasha.

Xuska ridistii Mubaarak:

Dhanka kale Siyaasiyiin katirsan Masar ayaa soo jeediyay in la sameeyo isku soo baxyo nabadeed islamarkaasna lagu xusayo markii talada laga tuuray Xusni Mubaarak oo ku began 11 February, oo ah maanta.

Siyaasiyintan ayaa ku baaqay in la sameeyo labo isku soo bax oo waaween, islamarkaasna waxaa kor looqaadi doonaa Calamo muujinaya ridista xukunkii Mubaarak, iyo sidoo kale halkudhigyo lagu dalbanayo in la qisaaso oo cadaalada la keeno dadkii ka danbeeyay dilka boqolaal masaari ah oo si nabad galyo ah u banaan baxayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here