Mudaaharaad kadhan ah Maamulka Faroole oo maanta kadhacay Gaal-kacyo {Sawiro}

Waxaa markale maanta magaalada Gaal-kacyo, qaybta ay maamusho Puntland ka qarxay Mudaaharaad xoogan oo looga soo horjeedo mudo kororsiga Madaxweyne Faroole, mudaaharaadkaan ayaa daba socday midkaloo shalay halkaas kadhacay.

Dadkaan banana baxayay, ayaa waxay markii danbe isku soo aruursadeen halka la yiraahdo gurigii hore ee Gobolka.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta usheegay in dadkaan banana baxayay markii ay isugu imaadeen gurigii hore ee gobolka, ay lahadleen qaar kamid ah garadka iyo Cuqaasha puntland, waxay tilmaameen in mudo kororsiga Faroole ay tahay sharci daro waxayna ugu baaqeen inuu ka laabto arintaas.

Sidoo kale waxgaradka goobta kahadlay ayaa soo hadal qaaday Odayaasha dhaqanka ee maamulka Faroole Xabsiyada ku xaabiyeen, waxayna ugu baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badanle loosii daayo ama maxkamad lasoo taago laguna soo cadeeyo danbiyada ay galeen.

Dadweynuhu waxay ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah xukuumadda hadda jirta, waxaana ka mid ahaa “waqtigiina waa dhamaade na dhaafa”, “Puntland gacantiina yey ku bur-burin”, “nabadoonada la xirey xal maaha ee waa xiisad abuur” iyo hadalo kale oo badan.

Siyaasi Cabdiqani Shancad oo hadda ka hor mar isu sharaxay Xilka Madaxweynaha Puntland ayaa la hadley dadkii maanta isugu soo baxay Gaalkacyo Siyaasiga ayaa sheegay in aan xukuumadda laga yeelayn in ay xasbiga ku hayso, Yaasiin Cabdisamad, iyo Cabdikaafi, keli talisnimo yeelimeyno, Faroole iyo Maxamed Faroole na dhaafa waqtigiini waa dhamaadey, si nabadda nagu dhaafa  ayuu yiri Cabdiqani Shancad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here