Mucjizadii Computer-ka oo geeriyootay

Waxa ay dunida Muslimka ah ay weysay  Todobaadkan allah u naxariistee gabadhii loogu magac daray ilbaxadii Computer-ka , magaceeduna la yiraahdo Cafraa Kariim oo u dhalatay dalka Pakistan .

Tacsiyo fara badan ayaa dunida daafaheeda laga soo kala diray markii Sabtidii bilowgii todobaadkan la shaaciyay inay geeriyootay ilbaxadii yareyd ee Computer-ka Cafraa Kariim Randaawa oo ku geeriyootay Magaalada Feysal Abaad ee dalka Pakistan , iyadoo da’deeda lagu sheegay 16 jir jir , waxaana ay u geeriyootay qalal iyo wadnaha oo joogsaday.

Aas’aasaha Shirkadda Microsoft Bill Gates ayaa aad uga muragooday geerida gabadhaasi yar , isagoo horey u balan-qaaday inuu dusha u ridanayo dawenteeda , hayeeshee dhaqaatiirta Pakistan ayaa ka biya diiday in gabadha lagu daweeyo dibadda.

 

Bill Gates ayaa ku tilmaamay gabadhani inay laheyd hibo gaar ah oo dhanka Computerka ah , waxaana uu ugu magac daray mucjisadii computer-ka marka loo eego xirfadaheeda iyo ilbaxnimadeeda ku aadan Tiknoloojiyadda tan iyo yaraanteedii markii aabaheeda uu u iibiyay Computer si ay ugu adeegsato dirista Emailada.

 

Gabadhani waxa ay ka heshay shahaadada la yiraahdo ( Xirfadda lagu kalsoonyahay) Shirkadda Microsoft sanadkii 2005 , iyadoo xilligaasi da’deeda aaney gaarsiisneen sanadka sagaalaad ( 9 sano jir) waaana ay noqotay qofka ugu yar dunida ee shahaadadaasi hantiya.

 

Shahaadada ( Xirfadda lagu kalsoonyahay ) “MCP” ee ay bixiso shirkadda Microsoft waxaa la siiyaa shakhsiyaadka si heersare ah xirfadooda ugu sara maray dhanka Computer-ka iyo agabyada ay soo saarto shirkadda Microsoft .

Markii ay hanatay shahaadada , Cafraa waxaa ay casuumaad ka heshay Bill Gates, si ay u booqato xarunta shirkadda Microsoft ee Magaalada Washington , gabadha yar waxa ay booqatay dhamaan xafiisyada shirkadda , halkaasoo ay ku baratay Mas’uuliyiinta iyo Agaasimayaasha fulinta , qaarkood waa ay la kulantay , waxaase ay si shaksi ah u sheekeysteen Bill Gates .

Bilowgii bishan January ayaa Bill Gates wuxuu soo booqday Cafraa , isagoo u bandhigay qoyskeeda inuu la wareego daweynteeda iyo daryeelkeeda , bixin doonana qarashka caafimaadkeeda sida website-ka ( Geo TV) lagu qoray , waxa uu Gates soo bandhigay fikrad ah in Cafraa lagu daweeyo dalka Mareykanka , hayeeshee dhaqaatiirta ayaa waxa ay doorbideen inaan la safrin Karin waayo waxa ay neefta ka qaadaneysay qalabka neefsiinta la sameeyay.

Wareysi ay siisay Cafraa website-ka ( Be Seattle) ee wararka ,kana dhisan wadanka Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay iyadu la mid aheyn caruurta caadiga ah , waayo waxa ay hiigsaneysay aragti bisil , waxa ayna tiri “ Hadii aad dooneysid inaad wax weyn u sameysid noloshaada , ogsoonow in shakiga uu yahay cadowga caqliga , isku kalsoonow , shakiguna yaanu burburin caqligaaga”.

Website-ka lagu magacaabo “ Havinginton  Post” isna waxa uu sheegay in Cafraa maalmaheedii dambe ee nolosha ay ka qeyb qaadaneysay mashruuc gaar ah oo ay leedaha Hey’ada cirbixiyeenka Mareykanka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan “NASA”.

W/tarjumay : Ali Abdi Hoshow “Suheifa”

Email: asuheifa@hotmail.com

alisuheifa@yahoo.com

Mogadishu-Somalia

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.