Mucaaradka Syria oo dalbaday taageero hub, iyo Washington oo mucaaraday

Kooxaha midowga mucaaradka Syria ayaa lagu wadaa ineey dalbadaan taageero milatari marka uu furmu shirka Rome isbuucaan gudihiisa.

Riyad Sayf, oo ah kuxigeenka golaha KMG mucaaradka Syria, ayaa maalin kahor shirka Rome yiri: “Saaxiibada Syria waxaan ka dalbaneeynaa taageero dhanka milatariga ah si aan u wiiqno awooda madaxweyne Asad, nooguna sahlanaato inaan gacanta ku dhigno awooda dalka Syria”.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysa Sarkaal katirsan doowlada Mareeykanka oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Mareeykanku uu kasoo horjeedo in mucaaradka Syria laga taageero dhanka milatariga, iyo in loogu yabooho waxyaabaha celiya xabadda, iyo baabuurta gaashaaman rasaastana Karin, iyo sidoo kale in tababar milatari lasiiyo maleeshiyaadka mucaaradka waqti xaadirkaan.

Mareeykanka ayaa isagu qaba cabsi ku aadan in kooxaha mucaaradka Syria ay ka garab dagaalamaan kooxo uu u arko halis islamarkaasna xiriir la leh Alqacida, sidaa darteedna Mareeykanka hada waxa uu ku gaabsanayaa taageero dhanka maaliyada iyo daawada ah in loogu deeqo mucaaradka Syria.

Mareeykanka ayaa ilaa iyo hadda kooxaha mucaaradka Syria ugu deeqay lacag gaareysa ilaa 50 Million oo doolar, taasoo ku aadan taageerada dhanka daawooyinka iyo tababarka dhanka madaniga.

John Kerry, oo ah xoghayaha arimaha dibadda Mareeykanka iyo dhigiisa dalka Faransiiska oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Pasris kahor intuusan gaarin Rome, ayaa sheegay in mareykanku uu rajeeynayo in lagaaro dhaqso xal ku aadan in isbadal dagdag ah uu ka dhaco dalka Syria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here