MSF: “Doowlada Soomaaliya waa ineey soo cadeeysaa sidii uu ku baxsaday ninkii dilay 2 kamid ah shaqaalaheena” {Wareysi}

Hay’ada MSF ayaa sheegtay ineey ka dooneeyso doowlada Soomaliya cadeyn ku saabsan sidii loo sii daayay nin horay loogu helay inuu dilay olabo kamid ah shaqaalaha MSF, bishii December 2011 oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Madaxa howlgalada ee hay’adaasi MSF, ayaa wareeysi gaar ah oo ay siisay VOA-da waxay usheegtay in arintaasi ay walaac ku hayso.

Wareeysiga lala yeeshay madaxa howlgalada hay’ada MSF ayaa sidan u dhacay:

“Arintan sidiina oo kale ayaan u ogaanay, cid noo sheegtay ama nagu wargalisayna majirto, dacwad qaadista iyo sii deeysmadaba, waxay ahayd arin uu mugdi kujiro, waxaanse soo dhoweyneeynaa in masuuliyiinta Soomaaliya aysan dhayalsan arintan oo ay hadda baarayaan” ayay tiri madaxa howlgalada hay’ada MSF.

Waxaa la weydiiyay, waxa ay doowlada arintaan ka yeeleeyso waxay kala socdaan, waxayna ku jawaabtay.

“Maya, cid katirsan doowlada Soomaaliya oo si rasmi ah noo ogeysiisay majirto, sidiina oo kale ayaa warkan shalay ka aqriyay warbaahinta, gaar ahaana in gudoomiyaha maxkamada Sare ee Soomaaliya Caydiid Ilka Xanaf uu baarayo arinkaan si dhab ah, oo uu isku dayayo inuu waxkala cadeeyo, waana soo dhoweeyneeynaa arintaan maxaa yeelay waxaan aad ugu jahwareernay in qof danbi lagu helay hadana lasii daayo oo aanan la sheegin sababaha ka danbeeya sii deysmadiisa”.

=Idinkoo ku saleeynaya baaritaanka ay hay’adiinu ka samaysay arintan, maku kalsoontahay in ninkani uu yahay gacan ku dhiiglihii dilay labo kamid ah shaqaalihiina?

“Qofka horta waxaa laxiray isla maalinkii uu dilka dhacay, waxaana laga dhex qabtay dhismaha ay hay’adu daganayd, isagoona ku lug lahaa rasaas ka socotay dhismaha dhexdiisa, marka waxaan ogayn in laxiray oo lagu helay danbigii uu ku eedeeysnaa, hadana waa lasii daayay, marka anaga waxa aan ku jahwareernay arinkan, waanse soo dhoweeyneeynaa tallaabo kasto ay doowlada u qaado in arinkani lagu kala cadeeyo sida ay wax u dhaceen”.

=Marka sii deeyntiisa si uun Malaga yaabaa in saameyn ugu yeelatay shaqada aad ka wadaan Soomaaliya?

“Aad baan uga walaacsanahay in qof lagu helay danbi ah inuu dilay shaqaalaheena kamid ah hadana lasii daayo, marka arinkaan walwal weyn buu nagu hayaa, aan ku celiyee markale waan soo dhoweeyneeynaa in doowlada Soomaaliya arinkan si dhab ah u eegeeyso oo ay baareeyso”.

=Maxaad jeclaan lahayd marka in doowladu ay samayso?

“Waa in doowladu cadeeysaa in qof danbi lagu helay hadana lasii daayay, waana howl doowlada sharci ahaan u taala ayna tahay ineey dabagasho oo aan anagu wax ka ogaano, maxaa yeelay xaalad la dhayalsankaro ma ahan, waa xaalad jahwareer leh”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here