Muqdisho: Dib u dhac ku yimid Doorashada hogaanka NUSOJ

Doorashada Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ
Doorashada Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ

Shirweynaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa haatan maraya meel gabo gabo ah waxaana maanta la dhagaystay Khudbadaha musharaxtiinta u tartamaya hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Ergooyinka ka qaybgalaya shirkaan oo isaga kala yimaaday dhamaan gobalada Soomaaliya ayaa aad isugu raacsan inay maalinta barito ah soo doortaan hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Musharaxiinta maanta khudbadaha laga dhageystay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Cali Baashi Cabdulaahi Cabdi oo u tartamaya xilka xoghaayaha guud ee ururka Suxufiyiinta, iyo waliba xubno kale oo u tartamaya xilka kale ee la dooranayo.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA

No. Magaca Musharaxa Xilka uu Rabo
01 Maxamed Ibraahim Macalimu Xoghayaha guud
02 Cali Cabdullahi Cabdi Xoghayaha guud

Liiska Musharixiinta Gudoomiyaasha

No. Magaca Musharraxa Xilka uu Rabo
01 Aadan Maxamed Salaad Gudoomiye
02 Suleymaan Ismaaciil Bashiir Gudoomiye
03 Mahad Xasan Diini Gudoomiye
04 Maahir Jaamac Aadan Gudoomiye

Liiska Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenada 1aad:

No. Magaca Musharraxa Xilka uu Rabo
01 Muxyadiin Xasan Maxamed Gud. Kux. 1aad
02 C/risaaq Maxamed C/laahi Gud. Kux. 1aad
03 Yaasmiin Mayow Maxamed Gud. Kux. 1aad

Liiska Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenada 2aad:

No. Magaca Musharraxa Xilka uu Rabo
01 C/fitaax Xasan Faarax Gud. Kux. 2aad
02 Xabiibo Axmed Jimcaale Gud. Kux. 2aad

Gudoomiyaha Gudiga Doorshada Axmed Muuse Cali (Axmed Jookar) ayaa ku dhawaaqay in doorshada ay dhici doonto maalinta barito ah xili maanta ay dib u dhacday doorshada hogaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Source: Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here