Moyes oo rajjo ka qaba United in ay ku guuleesato horiyaalka

348068_heroa

Tababbarraha kooxda Manchester United, David Moyes  ayaa sheegay in uu weli ku kalsoon yahay kooxdiisa in ay ku guuleesato horiyaalka Premier League kaddib markii Newcastle United ay sabtidii ka adkaatay.

Kooxda Man United ayaa looga adkaaday 1-0 waana markii labaad oo labo jeer gurigooda lagu garaaco tan iyo  2002, kaddib markii ay ka adkaatay Everton on Arbacadii horrey, goolka kaliye ee looga adkaaday waxaa shabaqa ku hubsaday Yohan Cabaye.

Tababbare Moyes ayaa yiri waxaan rajo ka leenahay horiyaalka in aan ku guuleesano xilli cayaareedkan.

“Waxaan ku dedaali doonaa in aan ku soo dhawaano horiyaalka, tani waa shaqo waan ogahay in aysan fududeen.” ayuu  u sheegay BT S

“(Manchester) United waa koox weyn waan ogahay xaaladda ay maanta ku sugan tahay in aysan u qalmin balse waxaan ku dedaali doonaa siddii aan ku horrumari lahayn.”ayuu u sheegay taageerayasha kooxda Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here