Moyes oo baaritaan lagu hayo

Moyes oo baaritaan lagu hayo
Moyes oo baaritaan lagu hayo

Macallinkii horre Manchester United, David Moyes ayaa waxaa ku billaabatay baaritaan ku aadan aflagaado uu ku sameeyay dad ku sugaa Makhaayad ku taalla Lancashire.

Booliska ayaa sheegay in Moyes uu weerar ku qaaday dad ku sugnaa habeenkii Arbacada Clitheroe balse faah-faahin kale ma sheegin.

Booliska waxaa kaloo ay lee yihiin 51-jirkan waxaa ku socota baaritaan ku aadan sababta uu aflagaadeeyay dadkii ku sugnaa Makhaayada.

Si kastaba, ilaa hadda Moyes arrintan kama hadlin.

Qoraal ka soo baxay booliska ku sugan xaafadda Lancashire ayaa lagu yiri: “Booliska waxay baarayaan wararku saabsan aflagaadada uu ka sameeyay macallin Moyes makhaayada Clitheroe.

Arrintan ayaa noqotay mid aad looga hadalhayo guud ahaan dalka Igiriiska gaar ahaan London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here