Moyes : Man Un haddii ay sidan ku sii socoto koob ma qaadi karto

Tabbabaraha kooxda Man United, David Moyes ayaa si weyn uga carooday guul-daradii labaad oo kooxda ka soo gaarta horiyaalka Ingiriiska oo dhawaan furmay xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa Sabtidii 2 iyo 1 waxaaba gurigeeda Old Trad-ford uga badiyay West ha, waa guul-daradii ugu horeysay oo kooxda ay ku billaabato heerkan markii ugu horeysay muddo laga joogo 24-sano.

Dhibkan oo kale kooxda waxa ay la kulabtay xilli ciyaareedkii 1989-kii ilaa 1990-kii, waxaana guul-daradii shaley ay dhigtay kaalinta 12-aad kala horeenta horiyaalka.

321373_heroa

Tabbabaraha kooxda Moys oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in haddii kooxda sidan ay ku sii socoto in loo cabsado isla markaana aysan difaacan karin horiyaalka.

Wuxuu sheegay kooxda in ay u baahan tahay is-badal xooggan, si kastaba dadka cayaaraha roga waxa ay lee yihiin dhibka heesta Ma United waa ciyaartoy waayeelo ah oo u buuxa iyo kuwa da’yer oo aysan heesan.

Man United ayaa Arbacada u safreysa dalka Ukrain halkaas oo ay kula soo cayaari doonto Shakhtar Donisk  lugta labaad ee horiyaalka Champions Liege.

Dhinaca kale, waxaa kaloo shaley horiyaalka Ingiriiska laga badiyay kooxda Man City,  halka Tottenham iyo Chelsea ay barbardhac ku kala tageen, waxaa badisay kooxda Arsenal oo hadda horiyaalka 15-dhibcood ku daadihineysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here