Moyes: “Ma gaari karno Man City”

Moyes: "Ma gaari karno Man City"
Moyes: “Ma gaari karno Man City”

Tababbarraha Manchester United, David Moyes ayaa qiray in kooxda aaney marnaba gaari karin kooxda Manchester City kaddib markii lagu garaacay 3 iyo 0 cayaar adag oo Talaadadii dhacday.

Edin Dzeko ayaa dhaliyay goolka koowaad markii daqiiqadu mareysay 43 , kaddibna Red Devils waxaa loogu shubay labo gool oo kale.

Labada koox ee xifaala waxaa u dhexeeya 15-dhiboocd waxana ay cayaareen labo cayaar wax ka badan.

“Waxaan filayaa in aanu cayaarnay si wanaagsan,waxa hadda aan dooneyno ayaa ah siddii aan xawaaraha u dheereen lahayn” Moyes ayaa u sheegay siddaas Sky Sports kaddib markii cayaarta ay dhammaatay.

Wuuu si hadlay “Waxaan u baahanahay in aan u cayaarno si wanaagsan, waxaan u baahanahay cayaartoy muhiim, ah 15-daqiiqo ee ugu horreeyay waxaana la soo baxnay cayaar fiican” ayuu yiri markale macalinka ay xaalada ku xuntahay.

Ugu dambeyn wuxuu qiray in laga cayaar fiicnaa. oo qaladka isaga uu lee yahay balse kooxdiisa looga baahan yahay in ay dib isku xoojiso ayuu sheegay macalinka Scottish-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here