Mowliid Macaani: Sharif Xasanoow haku tashanin labada kumi ee jeebkaada ku jirto

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa ugu baaqay gudoomiyaha baarlamaanka ee xilkiisa lagu muransanyahay inuu sida ugu dhaqsaha badan uga dago jagada.

Mowliid Macaani oo ah xildhibaan saameyn weyn ku leh baarlamaanka ayaa sheegay in hada ka socdaan magaalada Nairobi qorshayaal ay beesha caalamka ku wado in Shariif Xasan ay cadaadis ku saaraan inuu xilka ka dago isla markaana aqablo xil ka qaadisti lagu sameeyey.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray Shariif Xasan isaga oo ku tilmaamay nin is mahadiyey oo ku tashanaya lacagta uu heysto sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in aysan lacag wax tareyn oo hadii uu qof wax ku tarayo lacagtiisa uu isku furan lahaa hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Colonel Qadaafi.

“Hadii ay lacag wax tareyso Qadaafi qabri kuma jireen, marka waxaan leeyahay Shariif Xasanoow haku tashanin labada kumi ee jeebkaada ku jirto, shalayba waxaad masagada io galleyda u beegesay WFP oo aan ka sameysay lacagtaasi,” ayuu si kulul u yiri Mowliid Macaani Maxamuud.

Gudoomiyaha baarlamaanka shariif Xasan ayaa wali waxa muran uu ka taaganyahay xilkiisa, xildhibaano badan ayaa 13-ki bishaan ku dhawaaqay in ay xilki ka qaadeen Shariifka, halka isaga iyo taageerayaashiisa ay diidanyihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.