Mowjado weeraro ka dhan ah ah dadka Karistaanka oo kasoo cusboonaaday Nigeria

Dalka Nigeria waxaa kasoo cusboonaaday mowjado weeraro oo mar kale lala beegsaday bulshooyinka Kariistaanka.

Ugu yawaan 17 ruux ayaa la sheegay lagu dilay magaalada Mubi ee gobolka Adamawa kadib marki kooxo Islaami ah ay rasaas ku fureen xarun ay ku dhiarayeen xubno ka tirsan kooxda Karistaanka ee Igbo.

Warar kale ayaa soo baxaya oo sheegaya in weerar dhimasho badan uu ka dhacay magaalada Yola ee xarunta gobolka Adamawa.

Kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ayaa sheegatay mas,uuliyada qaraxyada iyo weerarada ka dhacay magaalada Mubi iyo kii kadhacay Gombe Khamiisti lasoo dhaafay  kaasi oo ay ugu yaraan ku dhinteen lix ruux.

Kooxdaan ayaa bilooyinki lasoo dhaafay weeraro dhimasho sababay ka waday qeybo ka mid ah waqooyiga iyo bartamaha dalka Nigeria, sidoo kale maalinti ciida Karistaanka ayey weerar ku qaadeen kaniisad ku tala caasimada Abuja.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.