Mourinhooo isku daygii ugu danbeeyay ku doonaya Rooney

Jose Mourinho ayaa sheegay in Wayne Rooney uu yahay ciyaaryahanka kaliya ee diirada u saaran Chelsea xagaagan ka dib markii Man United ay soo diiday maanta dalabkooda ku aadan weeraryahanka reer England.

Mourinho ayaa beeniyay wararka soo jeedinayay in David Luiz ama Juan Mata laga qeyb dhigi doono heshiiska lagula soo wareegayo 27 jirkaan.

Markii la weydiiyay hadii Blues ay dalbatay ciyaaryahano kale, tababaraha reer Portugal waxa uu yiri”Maya – mana dalban doono.”

Warkaan ayaa soo baxaya maalin ka dib markii gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United Ed Woodward uu ka soo laabtay fasaxa ay kooxda ku maqan tahay.

Kooxda ayaana sheegtay in soo laabashada Woodward inaysan wax saameyn ah ku laheyn xaalada Rooney.

Hadalada Mourinho ayaa u muuqda kuwa cadaadis saaraya Man United, laakiin madaxda Old Trafford ayaa sheegaya inaan lagu qasbi doonin inay iska iibiyaan weeraryahanka doonaya inuu baxo.

Tababaraha Chelsea ayaa la hadlayay saxaafada ka dib markii kooxdiisa ay 1-0 maanta kaga badisay xiddigaha Thailand booqashada ay Asia ku mareyso.

Waxa uu yiri: “Waanu dooneynaa ciyaaryahanka. Haatan waxa ay ku xiran tahay Manchester United.”

Waxaa la weydiiyay hadii xaalkooda uu yahay Rooney ama wax kale ma jiraan, waxa uu ku jawaabay: “Haa.”

Mourinho ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan qabaa in arinta ay cadahay, wax qarsoon ma ahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here