Mourinho: Yaan la dirin Lampard inta aan soo laabanayo

Macalinka kooxda Real Madrid Jose Mourinho  ayaa sheegay in uu doonayo xidigga kooxda Chelsea Lampard in aan la fisixin oo uusan kooxda ka tigin illaa inta uu ka soo laabanayo.

Jose Mourinho ayaa diidday in Frank Lampard uu ka tago kooxda xilli ciyaareedkan, maxaa yeelay ayuu yiri waa ciyaar wanaagsan oo wax badan u soo qabtay kooxda  Chelsea.

Tababaraha kooxda Real Madrid Mourinho ayaa la sheegay in uu u socdo garoonka Stamford Bridge.

“Haddii aan ku soo laabto Chelsea, waxaa diirada saari doonaa in Lampard sii joogo,” ayuu yiri Mourinho oo la hadlay wargeyska the Daily Star Sunday.

Xidigga reer England Lampard ayaa la sheegay in uu ka dhaqaajinaayo kooxda uu ku shaacbaxay ee Bules-ka, waxaana uu ku sii jeedaa Spain ama Talyaaniga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here