Mourinho: waxaan rabaa in aan ku laabto Inter kaddib Chelsea

Mourinho oo dib ugu laabanaya Inter
Mourinho oo dib ugu laabanaya Inter

Jose Mourinho ayaa qiray in uu dib ugu laaban doono Inter haddii maamulaha Chelsea Roman Abramovich uusan dooneynin in uu sii joogo isaga garoonka Stamford Bridge.

51-jirkan ayaa labo xilli cayaareed ku qaatay naadiga Talyaaniga isagoona ka soo tagay sannadkii 2010 wuxuu kula guuleestay horiyaalka Serie A, horiyaalka Yurub ee Champions League iyo Coppa Italia.

“Xaqiiqdii hadda aad ayaan ugu faraxsanahay in la joogo Chelsea, balse mustaqbalkeygu wuxuu ku xiran yahay Abramovich,” Mourinho ayaa u sheegay Mediaset.

Mourinho ayaa ku biiray Real Madrid kaddib markii uu ka tagay garoonkaSan Siro, ka hor inta uusan u soo baqoolin Stamford Bridge xagaagii la soo dhaafay isagoona shaqada kala wareegay macalinkii horre Rafa Benitez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here