Mourinho waxa uu ku soo laabanayaa Chelsea,,,laakiin kaligiis maahan

Wargayska Daily Express, ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray in tababaraha kooxda Realmadrid, Jose Mourinho oo maalmahaan lahadal hayay inuu kusoo laabanayo naadigiisi hore ee Chelsea uusan kaligiis imaan doonin garoonka The Blues, laakiin uu madaxda Realmadrid kuq ancin doono in CR7 uu horay usii wato.

Sidoo kale Mourinho waxa uu milkiilaha Chelsea ku qanciyay inuu dhiibo 60 Milyan oo doolar, si madaxda Madrid uga tanaasulaan xidiga ay ku tiirsanyihiin ee C.ronaldo.

Daily Express, ayaa sidoo kale maalmo kahor daabacday in Mourinho iyo Abrahimovic heshiis dhanka afka ah isku waafqeen in xili ciyaareedka soo aadan uu Mourinho tababaro naadiga Chelsea, Gaar ahaan ciyaartii habeeno kahor dhexmartay wadamada Brazil iyo Russia.

Waxaa xusid mudan in Chelsea ay aad u dooneeysay laacibka C/ronaldo, laakiin laacibkaan hadiiba uu Real kasoo tagayo waxa uu doonayaa inuu ku laabto naadigiisi hore ee Manchester United

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here