Mourinho oo xaqiijiyay dhaawaca Cech & Terry

Mourinho oo xaqiijiyay dhaawaca Cech & Terry
Terry oo ku dhaawacmay kulankii Atletico Madrid

Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay  Petr Cech in uu ka maqnaan doono garoomada inta ka harsan xilli cayaareedkan, isagoona intaas ku daray in Chelsea u baahan tahay in ay gaarto fiinalka horyaalka yurub ee Champions League.

Cech ayey isku dhaceyn Raul Garcia qeybtii koowaad ee cayaarta Chelsea ay barbardhac bilaa gool la’aan la gashay Atletico Madrid habeenimadii Talaadada, waxaana loola cararay isbitaalka.

Terry, ayaa ka dhaawacmay anqowga , kaddib ay isku dhaceyn Diego Costa oo lugta uga istaagay daqiiqadii 71-aad, kabtanka Chelsea ayaa la filayaa in uu cayaari karo kulamada kale ee ka harsan horyaalka.

“Petr Cech inta ka harsan xilli cayaareedka lama heli doono, balse  John [Terry] cayaarta ugu dambeesa waa uu cayaari karaa,” Mourinho ayaa siddaas u sheegay saxaafadda.

Labada cayaartoy ayaa ka maqnaan doona kulanka adag ee Axadda horyaalka Premier League la lee yihiin Liverpool, kaasoo ka dhacaya Anfield sido kale waxa ay ka maqnaan doonan cayaarta Chelsea koobka Champions League semi-fiinaalka lugta labaad oo ay kula cayaari doonaa Atletico Stamford Bridge April 30.

John Obi Mikel iyo Frank Lampard ayaa sidoo kale ka maqnaan doonaa lugta labaad maadama ay ganaaxsan yihiin balse waxaa la heli doonaa Branislav Ivanovic oo isna ganaaxnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here