Mourinho oo wax lagu qoslo ku tilmaamay guuldarrada PSG

Mourinho kuma qanacsano guuldarrada ka soo gaartay PSG
Mourinho kuma qanacsano guuldarrada ka soo gaartay PSG

Maamulaha Chelsea, Jose Mourinho ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay guuldarada xaley ka soo gaartay kooxda faransiiska ee Paris Saint-Germain lugta koowaad ee horyaalka Champions League.

Mourinho ayaa cayaartaas ku tilmaamay mid waali balse wuxuu dhaliisha u saariyay difaacyada kooxda.

Chelsea ayaa loo dhiibay 3 iyo markii ay ku soo cayaartay garoonka Parc des Princes.

Isagoo la hadlaayay Sky Sports ayuu sheegay in kooxda PSG ay ka fiicnaayeen cayaarta balse nasiibka ayaa ka xumaaday.

“Yaan la i weydiin waxa dhacay dhibaatada waxaa mas’uul ka ahaa cayaartoyda” ayu yiri Mourinho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here