Mourinho oo shardi aad u adag ku xiray Real hadii ay doonayaan De Gea

Sida ay sheegayaan wararka ka’imaanaya Spain macalinka reer Portugal Jose Mourinho ayaa Real Madrid ku qasbay ineey isaga haraan saxiixa De Gea maadaama uu ku qiimeeyay aduun dhan £100m,

Jose ayaa dadaal xoogan ku bixinaya sidii uu goolhayihiisa 1aad De Gea uga ceshan lahaa murqo weynta Real Madrid oo mudo dheer daba joogtay xidigan.

Hadaba Mourinho ayaa Real Madrid ku war geliyaya ineey isa soo raaciyaan Morata iyo lacag kaash ah oo gaareysa 45m hadii ay doonayaan saxiixa De Gea.

De Gea oo qudhiisa si aad ah u doonaya dib ugu laabashada Madrid, ayaa ku dhawaa ku biirista Real Madrid, balse maamulka United ayaa wali ku adkeysanaya inuusan si sahlan ku bixi doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here