Mourinho oo doonaya Dimitri Payet

Dimitri PayetSida uu daabacay Wargeyska Mirror Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho, ayaa doonaya inuu kooxdiisi xagaaga soo aadan kusoo kordhiyo xidiga reer France ahna halbowlaha kooxda West Ham Dimitri Payet.

Jose oo xagaagaan kooxdiisi United ku qarash gareeyay Malaayiin Dollar, ayaa weli doonaya inuu dib u dhis xoogan ku sameeyo United, waxaana Payet uu u arkaa mid kamid ah Tiirarka uu ku duuli doono sanadka soo aadan.

Balse naadiga ka dhisan London ee West Ham ayaysan u badnayn inay ogolaan doonto in xiddigeeda uu si sahlan kaga tago, waxayna ka cago jiideysaa inay iska iibiso bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here