Mourinho:- “Lagama yaabo Ibrahimovic in uu u soo wareego Chelsea”

Mourinho oo diddday Ibrahimovic in uu u soo wareego Chelsea
Mourinho oo diddday Ibrahimovic in uu u soo wareego Chelsea

Jose Mourinho ayaa aaminsan in suurtagal aaney ahayn Chelsea in ay la soo wareegto Zlatan Ibrahimovic oo u cayaara kooxda hoggaamineysa horiyaalka Fransiiska ee Ligue 1 Paris Saint-Germain.

Xiddigga reer Sweden ayaa noqday cayaaryahan muhiim ah oo u soo baxay PSG, waxaana dhawaan uu dhaliyay goolasha hat-trick cayaar ku dhammaatay 4-2 oo ay uga adkaadeen kooxda Toulouse Axadii.

Mourinho ayaa qiray xilligii uu tababbarraha ka ahaa Inter in uu Ibrahimovic uu ahaa cayaar yahan muhiim ah, balse in ay yartahay fursada uu ku imaan karo garoonka Stamford Bridge.

“Zlatan in uu yimaado Chelsea? waa wax aan suurta gal ahayn, wuxuu ku qanacsan yahay in uu sii joogo Paris, maxaa yeelay waa saaxibkeey aad ayaana isaga war qabnaa” Mourinho ayaa u sheegay Canal Football Club.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here