Mourinho oo amaanay Marcelo iyo Kaka

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa amaanay laacibiinta kala ah Kaka iyo Marcelo oo uu ku sheegay in ay ahaayeen xidigihi kaalinta weyn ka qaatay guushi ay xalay kasoo hooyeen kooxda APOEL ciyaarti ka tirsaneyd kooxda Champions League.

Real ayaa 3-0 ku qaarijisay Apoel lugta koowaad ee wareega sideed dhamaadka koobkan taasi oo ka dhacday garoonka GSP Stadium ee dalkaasi Quburs.

In ay gool dhaliyaan ayaa waxa ay ku qaadatay kooxda lagu naaneeso Los Blancos 74 daqiiqo, laakin marki badal lagu keenay Kaka ayey wax walbaa is badaleen, isaga oo u baasay gool Karim Benzema isla markaana saxiixay goolka labaad.

“Waan guuleysanay oo kulanka waan ku adkaanay sababtoo waxaan u ciyaarnay si wacan, APOEL waxay aheyd koox difaaceedu adkaa waana koox isbiiridkeedu wanaagsanaa, boqolkiiba boqol ayaan siinay guusha, laakin waxaa arinta go,aan ka gaaray Kaka iyo Marcelo,” ayuu yiri.

Waxaan rajeynayaa in aan wax wanaagsan kusoo bandhigi doono garoonka [Santiago] Bernabeu., halkaas oo ay Salaasada soo aadan ku marti gelin doonaan kooxda APOEL.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.