Mourinho oo 3 ciyaaryahan oo muhiim ah ka doonaya Real Madrid

Inkastoo aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin magacaabistiisa, hadana waxaa la fahansanyahay in Jose Mourinho uu yahay macalinka xiga ee United kadib eryidii Van Gaal.

Jose Mourinho, ayaa sida caadada u ahba durbaba calaamadeystay ciyaaryahano dhowr ah, kuwaasoo uu doonayo inuu ku xoojiyo safka United xili ciyaareedka soo socda.

960

Ciyaaryahanada diirada u saaran waxaa ugu horeeya 3 ciyaaryahan oo laf dhabar u ah Real Madrid, kuwaasoo kala ah (Karim Benzema, James Rodrigue iyo Varane).

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Jose uu dib ula midoobi doono ninka ay horay uga soo wada shaqeeyeen waagii Inter Milan, kaasoo ah weeraryahanka 34 jirka ah Zlatan Ibrahimovic, kaasoo beeca xorta ah kaga soo dhaqaaqaya PSG.

2016Mar07095213_89123107

United oo hada si xoog ah suuqa kala iibsiga ugu jirta, ayaa dooneysa in magacaabista Mourinho ay ku xoojiso ciyaaryahano tayo leh, si sanada soo aadan ay kooxda ugu tartanto Horyaalka Ingiriiska, oo ay hada kaalinta 5-aad ku dhameysatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here