Mourinho: Chelsea waxay u baahan tahay weeraryahan “dilaa ah”

Mourinho: Chelsea waxay u baahan tahay weeraryahan "dilaa ah"
Mourinho: Chelsea waxay u baahan tahay weeraryahan “dilaa ah”

Macallin Jose Mourinho, ayaa sheegay Chelsea in ay u baahan tahay la soo saxiixitaanka weerar yahan dilaa ah, xilli cayaareedkan si ugu loolamaan hoggaanka horyaalka Premier League.

The Blues ay barbardhac gool la’aan la gashay Norwich City cayaar la dhacday garoonka Stamford Bridge Axaddii.

Waxaana arrintaas fursad u siisay koobka horyaalka Ingiriiska y Manchester City iyo Liverpool oo tartan uu ka dhexeeyo.

Mourinho ayaa si cad ah oo gambasho lahayn u muujiyay in uu baahan weeraryahan dilaa ah.

Wuxuu sheegay oo kale in cayaartoyda hadda uga cayaarta qadada ay kala yihiin Samuel Eto’o, Fernando Torres ama Demba Ba.

Si kastaba, bogga Goal.com, ayaa Jimcihii horre qoray in xiddigga Atletico Madrid, Diego Costa la isku raacay £35 million in uu ugu wareego Stamford Bridge xagaaggan.

“Waxaan heesanaay cayaartoyd aad u fiican, balse ma jirto weeraryahan si dhaqsi shaqaba uga faa’ideesta,” ayuu u sheegay macallinka reer Portugal Chelsea TV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here