Morsi oo booqasho Taariikhi ah ku gaaray Khartuum

Madaxweynaha wadanka Masar, Mahamed Morsi, ayaa saacado kahor booqasho lagu sifeeyay mid Taariikhi ah ku gaaray wadanka Sudan Caasimadiisa Khartuum.

Warbaahinta Sudan, ayaa qortay in madaxweyne Morsi uu la kulmi doono madaxweynaha wadanka Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir, iyo Jaaliyada dalka Masar eek u nool Khartuum.

“Waa booqasho Taariikhi ah, islamarkaana ka tarjumeysa xiriirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal” sidaa waxaa wakaalada wararka AFP u sheegay Cimaad Sayid Axmed, oo ah afhayeenka madaxweynaha Sudan.

Labada madaxweyne ayaa bishii Sebtember ee lasoo dhaafay ku kulmay magaalada Qahira, markaasoo madaxweyne Al-bashiir uu booqashadii ugu horeysay ku tagay Masar, kadib ridistii nidaamka Xusni Mubaarak.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here