Moratti oo sheegay in la xoojin doono kooxda Inter xaggaagan

Kooxda Nerazzurri ayaa sheegtay in dhiig cusub lagalin doono kooxda marka uu billowdo xilli ciyaareedka soo socda.

Maamulaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa wacad ku maray in kooxda loo xoonjin doono horiyaalka soo socda, isagoona intaas ku daray in ciyaartoy cusub ay kala soo wareegi doonaan suuqa ciyaaraha Yurub.

Moratti ayaa ka niyad jabay qaab ciyaareedka kooxda ay soo bandhigtay horiyaalka xilli ciyaareedka 2012 ilaa 2013.

Kooxda ka dhisan garoonka Giuseppe Meazza waxa ay ku jirtaa kala horaynta horiyaalka Serie A iminkaku jirtaa kaalinta 8-aad, horiyaalka waxaa ka haray labo, kulan, waxaana laga cabsi qabaan in ay seegto is-reebreerka ciyaaraha Yurub.

Kooxda ayaa xaley waxaa 3 iyo 1 kaga badiyay kooxda Lazio, waxaana ciyaartaas ka niyad jabay maamule Moratti.

“Waa in koox dhisan laga dhigaa kooxda Inter Mustaqbalka, marka waxaan hadda u dhaqaaqeenaa siddi loo xoojin lahaa kooxda Inter supremo ayuu u sheegay Sky Italia.

“Waxaan ka fikiri doonaa sida kooxda loo xoojin karo, ciyaartoyda aan isleenahay kooxda waa looga baahan yahay si natiijo fiican aan ugaaro xilli ciyaareedka soo socda.”ayuu yiri Moratti.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here