Montolivo: Xilli cusub ayaa u billowday AC Milan

 

Montolivo: Xilli cusub ayaa u billowday AC Milan
Montolivo: Xilli cusub ayaa u billowday AC Milan

Riccardo Montolivo ayaa dareemay markii la magacaabay Clarence Seedorf in uu yahay tababbarraha cusub ee kooxda AC Milan horaantii bishan wuxuu sheegay in kooxda uu u billowday xilli cusub oo fiican.

Seedorf rayaa lagu badalay Massimiliano Allegri kaddib markii guul darooyin lixaad leh ay isku raaceen kooxda Rossoneri taasoo ay ugu dambeysay kulankii 4 iyo 3 looga adkaaday kulankii Sassuolo kaasoo dhacay January 12.

Montolivo ayaa amaanay macalinka reer Holland wuxuuna ku tilmaamay in saameyn uu ku yeeshay kooxda.

“Imaashiyaha Seedorf waxa ay ka dhigan tahay xilli cusub oo ay gashay kooxda, Aan rajeeno in arrintaas ay sii socoto, annigu waxaan dhihi lahaa Clarence waa qofkii ku haboonaa ee kooxda loo dhiibi lahaa xilligan.”ayuu yiri Montolivo oo saxaafadda la hadlay

Si kastaba,Montolivo ayaa aaminsan in kulanka Group H ee tartanka kooxaha Yurub ee Champions League,in looga baahan yahay tababbarre Seedorf in la yimaado qaab fiican kulanka good Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here