Mohamed Mursi oo noqday madaxweynaha dalka Masar

Murashaxi ka socday kooxda Iqwaanul Muslimiinta Masar Mohammed Mursi ayaa ku guuleystay doorashooyinki isku celiska ahaa ee todobaadki hore lagu qabtay dalkaasi.

Gudiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay galabta natiijada oo maanta oo dhan dhagaha loo taagayey, waxaana Mursi uu helay codad dhan 51.73%, isaga oo ku garaacay murashada kale ee Ahmed Shafiq oo ahaa ra’isulwasaarihi hore ee dalkaasi.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Farouq Sultan, ayaa sheegay in sababaha ay dib ugu dhigeen sababo la xiriira cabashooyin kala duwan oo soo gaarayey kuwaasi oo ahaa ilaa iyo 466 cabasho.

Ku dhawaaqista ayaa keentay in dabaaldagyo aan caadi aheyn ka bilowdaan meydaanka Taxriir ee bartamaha magaalada Qahir.

Mursi ayaa lagu wadaa in uu la hadlo dhawaan shacabka dalka Masar, isaga oo ay hortaalo arimo adag oo ay ugu horeyso sidi uu ula tacaamuli lahaa milatariga oo awooda maroorsaday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.