Mohamed Farah oo ku guuleystay Orodka 5000 ee Olombikada “Video”

Moh Farah oo Soomaali asal ah laakiin hada British ah ayaa caawa wacdaro ka dhigay ciyaaraha orodka 5000 Mt, kadib markii uu ku guuleystay orodyahanada kale ee la tartamayay, isagoo hoggaanka qabtay wareegii 3-aad ee kama danbeysta.

Mo Farah ayaa noqday orodyahanka hoggaanka u haaya ciyaaraha olombikada Adduunka ee orodka markii uu labo jeer ku guuleystay orodka 10.000 iyo 5000 Mt, wuxuuna ku qaaday caawa bilada dahabka 13 minutes iyo 41.66 seconds.

Wariyihii daadihinayay ee TV-ga BBC ayaa qiira qaaday oo is celin waayay, kursigiina ka kacay isagoo gacmaha luxaya ayuu ku qeyliyay horay u soco Mo Farah, sidoo kale xarunta TV-ga BBC ayaa dadkii fadhiyay mar qura is celin waayeen waxaana ka tegay kontoroolkii. 40 Kun oo taageerayaashiisa ah ka daawanayay barxada Londan ugu weyn marka laga reebo Garoonka.

 

Taariiqda Olombikada adduunka ayaa shan nin oo kaliya waxay ku guuleysteen hal tartan labadan orod ee  5,000m iyo 10,000m, waxayna guushaan Mo farah u soo hooyay Britain noqonaysaa markii ugu horeysey oo  afar biladood oo dahab ah  ku guuleystaan tartanka orodada laga soo bilaabo dagaalkii labaad ee adduunka.

Mo Farah ayaa 5-tii bishan waxaa uu ku guuleystay bilada dahabka ee orodka 10.000 ee Miter, waana guushii Labaad ee uu dalka Ingriiska u soo hoyiyay.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Shabakadda Warfaafiye waxaan leenahay Mo Farah Hambalyo.

HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO VIDEO IYO SAWIRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here