Mogadishu: Xog ku saabsan dhaqaalaha dowladda siiso maamul goboleedyada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay wax kaga badaleyso xiriirkii dowladii ka horeysay ay la laheyd maamul goboleedyada dalka ka jira.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo, wuxuu kulamo kala duwan la qaatay madaxda maamul goboleedyada, isaga oo ka hadlayay sidii loo badali lahaa nidaamka wada shaqeynta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu horeyn ka bilowday arintaasi wax ka badalida dhaqaalaha la siin jiray maamul goboleedyada dalka ka dhisan bil walbaa oo gaaraysay 150,000 oo doolar, waxaana la gaarsiiyay 300,000 oo doolar.

Laakiin taa badalkeeda madaxweyne Farmaajo ayaa tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si uu maamulka Jubbaland kaga soo wareejiyo maamulka dekada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Heshiis horey ay u gaareen dowladda Soomaaliya ee madaxweyne uu ka ahaa Xasan Sheikh Maxamuud iyo maamulka Jubbaland ayaa qeexayay in maamulka garoonka diyaaradaha iyo dekada lagu wareejinayo dowladda Soomaaliya muddo lix bilood ah, balse ma aysan dhaqan gelin.

Madaxweyne Farmaajo oo heshiiskaasi ka faa’ideysanaya ayaana doonaya in madaxda maamulkaasi ku qanciyaa in lasoo wareejiyo dekada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, si dowladda ay maamulkeeda u hanato.

Haddii Axmed Madoobe, arintaasi lagu qanciyaa uuna aqbalaa waa talaabo wanaagsan oo loo qaaday dowladnimada.

Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here