Mogadishu: Wafdi ka socdo Qatar oo Muqdisho soo gaaray

Masuuliyiin ka socota dowladda Qatar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii ay kasoo duuleen dalka Qatar.

Sultan bin Saad Al-Muraikhi, wasiiru dowlaha arimaha dibbada Qatar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la leeyahay madaxda dowladda.

Waa booqasho aan la fileyn, Waxaana uu kusoo aadayaa socdaalkan, iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay xiisada Qatar kala dhaxeyso dalalka Sacuudiga uu hogaaminayo.

Wasiiru dowlaha Qatar ee arimaha dibbada ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana dowladda uu kaga mahadceliyay go’aankii ay ka qaateen xiisada wadamada Khaliijka.

Dowladda Qatar ayaa hadda adeegsata hawada dalka Soomaaliya tan iyo markii dowlado badan ay u diideen inay adeegsato hawadooda.

Soomaaliya waxay dhexda kaga dhacday xiisada u dhaxeyso wadamada Khaliijka

Sultan-bin-Saad-Al-Muraikhi1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here