Mogadishu : Wafdi ka socdo Qaramada Midoobay oo Hobyo tagay

Wafdi ka socdo Qaramada Midoobay ayaa gaaray magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, iyaga halkaasi kula kulmay masuuliyiinta maamulka degmadaasi.

Cabdullaahi Axmed Fahad, guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa sheegay in wafdigaasi ay la kulmeen ayna ka wada hadleen sidii Qaramada Midoobay mashaariic u gaarsiin laheyd degmadaasi.

Wafdiga ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee magaalada iyo dekada Hobyo, waxayna sheegeen inay halkaasi xafiisyo ka furan doonaan.

Ujeedada ayaa ah indho indheysiga ilaha dhaqaalaha ee degmadaasi, waxaana la ogeyn ujeedada dhanta ah ee ka dambeyso.

Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sanadyadii lasoo dhaafay gaartay Horumar aad u ballaran , waxaana Magaaladaasi lagu waddaa in dhawaan laga bilaabo dhismaha Deked Caalami ah.

Degmada Hobyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here