Mogadishu: Waa sidee amaanka caasimadda Soomaaliya

Waxaa soo wanaagsanaanaya amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow mararka qaar ay iska dhacaan dilal qorsheysan oo ergadii wax soo dooratay ay u badan tahay.

Amaanka waxaa adkeynaya ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa loogu magacdaray ciidamada xasilinta caasimada Soomaaliya, oo ka kooban meletari iyo nabad sugid.

Maanta waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaa lagu daadiyay ciidamadii ugu badnaa maadaama ay tahay 17 Ramadaan oo ah xili aad looga baqanayo inay weeraro geystaan Al-shabaab.

Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo badan oo amaanka xaqiijinaya, waxaana saaka aroortii ay baaritaano ku bilaabeen gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay.

Dadka Shacabka ah ayaa aad u hadal haya maanta maadaama ay tahay 17 Radamaan, Al-shabaabna looga bartay weerarada ay xiligaasi kusoo beegaan ama ku aadiyaan maalmo kadib.

Xoogaga Shabaab ayaa looga bartay weeraro inay fuliyaan Bisha Ramadaan gudaheeda, gaar ahaan Soonka marka uu ku beegan yahay 17 oo sidoo kale ku beegan Dagaalkii Beder.

Mogadishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here