Mogadishu: Turkiga oo Soomaaliya gargaar ku wareejiyay (Sawiro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kala wareegtay dowladda Turkiga markab gargaar oo dhawaan laga soo diray dalka Turkiga.

Gargaarkaasi ayaa loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeesheen abaarihii sanadkaan ku dhigtay deegaanada dalka Soomaaliya.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa deeqdaan ku wareejiyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in laga soo ururiyay shacabka dalka Turkiga.

Cilmi Cumar Ceynsane oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka ayaa dowladda Turkiga kaga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in gargaarkaan ka gaarsiin doono dadka loogu talo galay.

Hoos ka daawo sawirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here