Mogadishu: Timo-jarre lagu dilay magaalada Muqdisho (Akhriso)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysay ay ku dileen isgoyska Sanca Timo-jarre ku sugnaa halkaasi.

Kooxaha hubeysan oo watay bastoolad ayaa isgoyska ku dilay wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabayay Xuseen Xasan Maxamed, oo dadka hareeraha isgoyska ku sugan wada garanayeen.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka wiilkaan dhalinyarada ah ee Timo jaraha ahaa.

Ciidamada dowladda ayaa dilka kadib gaaray goobta falka uu ka dhacay, balse kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta.

Maalmahan dambe waxaa yaraa dilalka qorsheysan ee ay gaysan jireen Kooxaha Bistooladaha wata, kadib markii Dowladda Federalka Somaliya ay kordhisay hawlgalada lagu sugaayo ammaanka caasimadda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here