Mogadishu: Sidee Haboon in hub ka dhigista loo maro ?

Magaalada Muqdisho waxaa ka socdo qorshe dowladda cusub la timid oo ah in la adkeeyo amaanka, lana sharciyeeyo hubka magaalada qof kastaa ku dhex wadato.

Qorshahaasi waxaa dhaliilsan dad badan oo heysta hub aan sharciyeysneen iyo askar badan oo dharka dowladda oo kaliya wata, waxaana siyaasiyiin badan ay qabaan dhaliilo dowladda xageeda ah.

Qaar kamid ah saraakiishii ciidamada ee dowladihii dalka Soomaaliya soo maray, ayaa qaba inay haboon tahay talaabada xasilinta amaanka magaalada Muqdisho, balse ay jiraan arimo soo laalaabtay oo tuhumo geliyay shacabka.

Korneyl Axmed Warsame Xaashi, oo kamid ahaa saraakiishii meletariga Soomaaliya, ayaa sheegay in shacabka Muqdisho tuhunka badan ee ay qabaan inuu ka dhashay in mar walbaa hub ka dhigista iyaga laga bilaabo.

Wuxuu korneylka soo jeediyay inay haboon tahay in hub ka dhigista loo maro in dhamaan gobolada dalka ama ugu yaraan xarumaha maamul goboleedyada laga sameeyaa hub ururin iyo sharciyeynta askarta.

“Somalidu waxaa weeyaan hubka inay iska dhigto horta waa wax aad iyo aad u wanaagsan, oo nabadgelyada iyo dowladnimada ayaa ku jirta. Laakiin waxaad mooddaa xooggaa in dadkii uu weli shaki kala qabo, oo umaddii ay kala shakisan tahay.” Ayuu yiri Korneyl Axmed Warsame Xaashi.

“Markasta oo hub ka dhigis la soo hadalqaadana waxaa lagu bilaabaa Magaalada Muqdisho, iyadoo aan la aadin meelaha kale ee dalka. Dadkii waxay qaateen tuhun gaar ah, oo ay leeyihiin dadkan reer Muqdisho, haddii hubka la’idinka dhigo dad kale ayaa la’idin gacmo laabaya.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo ka qayb qaadanayay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC.

 

Al-shabaab iyo hubkooda lagu qabtay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here