Mogadishu: Sarkaal sare oo xabsiga loo taxaabay

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa la dhigay xabsi ku yaala magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in ilaaladiisa ay rasaaseeyeen ciidamada xasilinta amaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo ka kooban boolis, Nabad sugid iyo meletari ayaa maalmahaan ka waday magaalada Muqdisho howlgalo hub ka dhigis ah.

Sarkaalka xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo Korneyl Mahad Doolar, ayaa la sheegayaa in ciidamadiisa ay rasaas ku bilaabeen ciidamada xaqiijinaya amaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada xasilinta amaanka ayaa xiligaasi ku daba jiray rag fal dambiyeed ka geystay magaalada Muqdisho, waxayna si kedis ah suuqa beerta ee degmada Hodon iskula dhaceen ciidamada ilaalada u ahaa sarkaalka la xiray.

Ciidan gurmad ahaa oo mar dambe gaaray halkii ay shaqaaqadu ka dhacday, ayaa gacanta ku soo dhigay Korneyl Mahad Dollar, iyagoo ula dhaqaaqay mid ka mid ah xarumaha hay’adaha amniga.

Xog gaar ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in sarkaalka la dhigay xabsiga Godka Jilacow oo ku yaala degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Muqdisho
Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here