Mogadishu : Qarax lagu weeraray degmada Wadajir [Sawiro]

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wararka hor dhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan in uu halkaa ka dhashay khasaare ballaaran isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmada.

Qof ku sugan Degmada Wadajir ayaa ii sheegay in ay arkeen meydadka ilaa 10 ruux oo isugu jira askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa, waxaana wararka qaar oo soo baxaya ay sheegayaan in qarax uu ku dhawacmay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Wadajir Cumar Cabdullahi Xasan .

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay Qaraxan oo dhacay

Xarunta degmada ee la bartilmaameedsaday ayaa ku dhaw suuqa ugu weyn degmada Wadajir, oo waqtiga uu qaraxa dhacay dadku siweyn uga tukaameysanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here