Mogadishu: Ninkii dilay wasiir Siraaji oo xukun dil ah lagu riday

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay Xukun dil ah ku riday Ninkii ka dambeeyay dilka wasiirkii howlaha guud ee dowladda Sooamaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji,kaas oo ay horay Xukun ugu riday.

Xukunka dilka ah ee maxakamadda ciidamada Qalabka sida ay ku ridday Axmed C/laahi Ceydiid ayaa ka dambeeyey markii uu racfaan ka qaatay xukun dil ah oo ay horey ugu ridday maxakamadda darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida.

Guddoomiyaha maxakamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Sareeyo guuto Liibaan Cali yarow ayaa Warbaahinta u sheegay in Xukunka dilka ah lagu ridday Maanta oo isniin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here