Mogadishu: Miino dhulka lagu aasay oo la qarxiyay

Jug xoogan ayaa waaberigii saaka laga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho, maadaama jawiga uu deganaa, waxaana dad badan ay u maleynayeen qarax dhacay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qarxiyay miino lagu aasay xaafad kamid ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu aasay xaafada 21 October ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana saaka ciidamada ay qarxiyeen iyada oo wax qasaaro ah dadka uusan u geysan.

Wararka qaar waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid ku xirnaa gaari la doonayay in shacabka lagu waxyeeleeyo.

Ciidamada ayaa ku wargeliyay dadka xaafada degen in qaraxaasi ay ka warheleen ayna qarxin doonaan, si aysan baqdin u dareemin.

Ciidamada Xasilinta magaalada Muqdisho ayaa tan iyo horaantii bishii hore waday qorshe lagu adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho.

Waxaana ay sameynayeen howlgalo lagu soo qabqabanayay xubno Al-shabaab taabacsan.

Gaari ciidan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here