Mogadishu: Mid kamid ah Ergadii HirShabeelle oo la dilay [Dhageyso]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeyso dil saaka ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo geystay mid kamid ah ergadii wax kusoo dooratay magaalada Jowhar.

Axmed Maxamed Aadan, wuxuu ahaa sarifle laga yaqaana agagaarka Suuqa beerta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Waaberi ee dhinaca amaanka ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay dilka mid kamid ah ergadii wax kusoo dooratay magaalada Jowhar.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay inay wali baaritaanada socdaan, ayna cadaalada horkeeni doonaan dadka loosoo qabto falkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here