Mogadishu: Maxaadan ogeyn oo Muqdisho ka dhacaya ?

Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, sabab la xiriirta banaanbax la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa oo maamulka gobolka Banaadir uu soo qaban qaabiyay, waxaa lagu taageerayaa qorshaha xasilinta caasimadda oo maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho.

Ciidamo badan oo boolis ah, ayaa la dhigay waddooyinka ku dhow goobaha banaanbaxyada ay ka dhacayaan, waxaana xiran laga soo bilaabo isgoyska Maanabooliyo ilaa madaxtooyada.

Gaadiid badan oo dadweyne ay saaran yihiin oo calanka maamulka gobolka Banaadir ka dul babanayp, ayaa lagu arkayaa inta u dhaxeyso Daljirka Dahsoon ilaa degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka socday baaritaano iyo hub ka dhigis ay sameynayaan ciidamada amaanka ee dowladda..

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Banaanbaxyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here