Mogadishu: Kulan Xasaasi Ah Oo Dhex Maray Gudoomiye Jawaari Iyo Xildhibaanada

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,oo shalay soo gaaray Magaalada muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay xildhibaanada laabda Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamanka “Jawaari”

Mudane Jawaari,ayaa Xildhibaanada la yeeshay kulan xog Wareysi ah,waxana sidoo kale uu kala hadlay Shaqooyinka adag ee Horyaalla Xubnaha Golaha Shacabka.

Xogheyaha guud ee Baarlamaanka Cabdikariin Buux,oo kulanka kadib Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Maalinta Berito ah oo ku beegan 8/7/2017 uu Muqdisho ka furmi doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana Bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah ugala socon doonaan Tv-yada.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in kulanka Baarlamaanka uu Maalinta Berito ah furo,sida uu qabo dastuurka dalka

Xigasho: Dalsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here