Mogadishu :Iran oo dhaqaalo badan ka heshay Suuqyada Soomaaliya

Sanadkii lasoo dhaafay dowladda Iran ayaa kordhisay badeecada ay u iib keento dalka Soomaaliya 38 % marka lala barbar dhigo sanadkii kasii horeeyay.

Dowladda Iran ayaa dhaqaalo ahaan ka heshay Soomaaliya muddada sanadka ah 30 Milyan oo doolar maadaama badeeco badan ay u iib keento gudaha dalka Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay wargeyska arimaha dhaqaalaha ka faaloodo ee  Financial Tribune ayaa lagu sheegay in kororka badeecada Soomaaliya kaga timaado Iran uu yimid sanadkan 2017.

Waxyaabaha ugu badan ee Soomaaliya kaga yimaado dalka Iran ayaa ah buskutka, mutuneelada, dhoobada, nuuriyadda, shukulaatada, daawooyinka, macuunta iyo  cabbitaannada.

Warbixinta ayaa muujineysa in dhamaan agabka ay Iran usoo dhoofiso Soomaaliya in loo iib geeyo gobolada dalka Soomaaliya, waana midda keentay inuu kordho dalabaadka waxyaabaha laga keeno dalka Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here