Mogadishu: Hubka yaryar goorma ayaa la ururin doonaa ?

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe hubka waaweyn looga ururinayo dadka sida sharci darada ugu dhex heysto magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho, dilalka qorsheysan laguma geysan jirin qoriga AK47 iyo Qoriga loo yaqaan Dabajeex, balse waxaa kooxaha argagixisada ay adeegsadaan bastoolado.

Dad badan oo ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa isweydiinaya sababta dowladda ay xooga u saareyso ururinta hubka waaweyn oo inta badan Al-shabaab aysan u adeegsan dilalka qorsheysan.

Al-shabaab ayaa adeegsado hubka ay adag tahay in dadka shacabka ah arkaan, waxaana kamid ah bastooladaha oo noocyo kala duwan leh.

Dowladda Soomaaliya ayaanan la ogeyn waxyaabaha kaga degsan arintaasi, maadaama hadda inta badan hub ka dhigis lagu sameeyay ciidamada aan sharciyeysneen.

Saraakiishii hore ee dhanka amaanka ayaa kula talinaya dowladda Soomaaliya inay ka feejignaato in hubka qaarkii aan laga qaadin dadka ku madax adeegaya, taasi oo caqabad kale ku noqoneysa dowladda Soomaaliya iyo amaanka caasimada.

Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here