Mogadishu: Guddoomiyihii Galgaduud oo xalay Muqdisho loagu dilay

Kooxo katirsan ururka al-shabaab ayaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Yaaqshiid ku dilay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi iyo nin kale oo ay walaalo yihiin.

Guddoomiyaha la dilay iyo walaalkiis ayaa la dilay xili ay booqanayeen qof xanuunsan oo ay ehel ahaayeen oo deganaa Xaafada Carafaat.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in waayadii dambe uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Sidoo kale nin Nabadoon ah oo lagu magacaabo Geeddi Firdhiye ayaa isna xalay kooxo hubeysan ku toogteen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa xalay qarax xoogan ka dhacay wadada Makka Al-mukarama, Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo maleynayo in banaanka maqaayada la hor dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here