Mogadishu: Ganacsade lagu dilay magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ganacsade si weyn loo yaqaan.

Ganacsadaha ayaa lagu dilay suuqa beerta ee degmada Waaberi, waxaana ka dambeeyay dilkiisa kooxo bastoolad ku hubeysan oo goobta ka baxsaday, waxaana magaca ganacsadaha ay dileen lagu sheegay Axmed Sheikh

Ruuxa ganacsadaha ayaa kamid ahaa dadka sarifleyda ee sida weyn looga yaqaan agagaarka suuqa beerta ee degmada Waaberi.

Amaanka iyada oo ciidamada xasilinta ay adkeeyeen ayaa haddana waxaa mararka qaar dhaco dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxaha Al-shabaab ka tirsan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ergooyinkii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka.

Saldhiga Waaberi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here