Mogadishu : Dowladda oo shir Muhiim ah Muqdisho ka furtay

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furtay shir dib u heshiisiin ah kaasi oo qeyb ka ah qorshaha wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya.

Waxaa shirkaasi ka qeyb galay, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arimaha gudaha, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiirada arimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, ayaa sheegay in ahmiyada shirkaan uu yahay sidii wasaarada arimaha gudaha ay kaga shaqeyn laheyd dib usoo celinta heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Mr Juxa ayaa daah furay shirkan, wuxuuna magaalada Muqdisho ka socon doonaa muddo shan maalin ah, iyadoo gabo gabada qoraalo laga soo saari doono.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka jeediyay goobta qudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay kaliya u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah.

Cali Maxamed Geedi, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa dhankiisa amaanay wasaarada arimaha gudaha, isaga oo sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay dhamaan cid walbaa oo Soomaaliyeed.

Ugu dambey wasiirada arimaha gudaha ee maamul goboleedyada ayaa laga codsaday inay dib u heshiisiin dhab ah ka dhex bilaabaan dhamaan dadka ku dhaqan deegaanada ay maamulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here