Mogadishu: Ciidamada Burundi oo ka guuraya Jaamacadda Gaheyr

Ciidamada Burundi oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in ay ka guuraan mid ka mid ah Saldhigyada ugu Waaweyn oo ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

An Amisom soldier, as part of the Burund…An Amisom soldier, as part of the Burundian contingent to the mission, stands guard at an underground bunker in Daynille, Somalia, on May 13, 2013. Humanitarian civilan EOD teams, with the support of Amisom, are currently in the process of emptying twenty-three bunkers in Daynille of explosives. The bunkers, remnants of the Siad Barre regime, still contain weapons which, if not destroyed, could pose a risk to civilians and provide bomb-making material for al Shabaab militants. RESTRICTED TO EDITORIAL — USE – MANDATORY CREDIT “AFP PHOTO / AU-UN IST PHOTO / TOBIN JONES” – NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS – DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTSTOBIN JONES/AFP/Getty Images

Jaamacadda Gaheyr oo ka mid ah laamaha Jaamacadda Ummadda,islamarkaana ka mid ah Saldhigyada ugu Waaweyn ciidamada Amisom,gaar ahaan kuwa Burundi ay degan yihiin ayaa hada waxaa ka socda qaban qaabo ay uga guurayaan Saldhigaas,waxana lagu wadaa in Sakootinta Ciidamadaas ay ka qeyb galaan Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Amaanka Aaga Jaamacaddaha ayaa aad loo adkeeyay,waxana la arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya oo xiray Wadooyinka soo gala Jaamacaddaha iyaga oo u diidaya Dadka iyo Gaadiidka in ay isticmaalaan.

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa sheegayaa in ciidamadaas ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle oo horayba ay ugu sugnaayeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Amisom gaar ahan kuwa Uganda.

Qorshaha ay ciidamadaan uga guuraayaan Saldhiga Jaamacaddaha ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay qorsha ay dowladda Federaalka ku dooneyso in gebi ahaanba Muqdisho uga rarto Ciidamada Amisom iyo kuwa Xoogga dalka kuna geeyso Goobo ka baxsan Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here